Ads

Header Ads

Chelsea ayaa dib u soo celisay xiisaha weeraryahanka Ligue 1

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Lens Elye Wahi.

Wahi, oo hadda 21 jir ah, ayaa 19 gool u dhaliyey Montpellier xilli ciyaareedkii 2022/23 Ligue 1, waxaana si weyn loo filayey inuu ku biiro Chelsea xagaagii hore, taasoo qayb ka ah heshiis uu ugu wareegayo kooxda ay walaalaha yihiin ee Strasbourg.

Si kastaba ha ahaatee, Wahi ayaa ugu dambeyntii diiday tallaabadaas, isagoo si cad u qirtay inuusan la dhacsanayn qorshaha Chelsea ee isaga, wuxuuna taa beddelkeeda ku biiray Lens, kaasoo u dhaliyay 12 gool 37 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in Wahi uu haatanba isha ku hayo in uu ka tago Lens ka dib 12 bilood oo kaliya waxana ay Chelsea mar kale diwaan galisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka da’da yar.

Weli ma jiro wax dalab ah oo la taaban karo oo ka yimid Chelsea, iyadoo Blues ay sugeyso inay aragto nooca qiimaha Lens uu dalban doono inuu kala tago Wahi.

Chelsea oo xiisaynaysa Alye Wahi

Haddii Chelsea ay u aragto Wahi inuu yahay ciyaaryahan kooxda koowaad ah ama mid kale oo suurtagal ah inuu u shaqaaleysiiyo Strasbourg weli ma cadda. Kooxda walaasheed ee Blues waxaa haatan hogaaminaya Emanuel Emegha oo 21 jir ah, kaasoo sideed jeer shabaqa soo taabtay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore, halka Milos Lukovic oo 18 jir ah uu durba ku biiray xagaagan.

Chelsea ayaa baacsanaysa weeraryahan da’yar si ay u xoojiso weerarkeeda. Habka Aston Villa ee Jhon Duran ayaa la sameeyay horaantii suuqa kala iibsiga, ka hor inta aysan kooxda Stamford Bridge soo gudbin xiisahooda Samu Omorodion ee Atletico Madrid.

U dhaqaaqista weeraryahan cusub waxaa lagu maalgelin karaa iibinta Romelu Lukaku, kaasoo mar kale diyaar u ah suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Belguim uu haatanba heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Napoli kuwaas oo doonaya in ay dib u midoobaan Lukaku iyo tababarihiisii ​​hore ee Inter Antonio Conte.

Post a Comment

0 Comments