Wakiilka xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Antony ayaa ku adkeysanaya in ciyaaryahanka reer Brazil uu gabi ahaanba diirada saarayo mustaqbalka Red Devils, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in loo ogolaan karo inuu amaah kaga tago kooxda xagaagan.
Antony ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito ka dib markii uu 82 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Ajax xagaagii 2022, waxaana dhawaan la sheegay in United ay diyaar u tahay inay amaah ku dirto 24 jirkaan xilli ciyaareedka soo socda haddii uu diyaar u yahay inuu bixiyo 70,000 oo ginni- mushaharka usbuuca.
Markii la weydiiyay jawaabta wararkaas, wakiilka Antony Junior Pedroso ayaa u sheegay Fabrizio Romano: "Waxaan arkaa warbixino ku saabsan bixitaan amaah ah. Qorshaha Antony waa cad yahay: Manchester United.
“Wuxuu doonayaa inuu sii joogo, kaliya wuxuu diirada saarayaa Man Utd. Horaan ayaan uga hadalnay arintaas kooxda”.
Antony oo lala xiriirinayo in uu ka ka tagidoono Man United |
Tababare Erik ten Hag ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Antony isbuucii hore, isagoo ku adkeystay in Brazilian-ka uu muujiyay tayada tayada taasoo ku qancisay United inay lacag badan ku bixiso si ay u hesho saxiixiisa.
"Ma dhaafo miisaaniyada. Waligay xitaa miisaaniyad ma yeelan. United, miisaaniyada waxaa leh milkiilayaasha iyo maamulka," Ten Hag ayaa u sheegay Algemeen Dagblad. “[Antony] waxa uu xaqiiqdii muujiyay awoodaas bishii ugu horaysay: waxa uu dhaliyay saddex gool saddexdii kulan ee ugu horeeyay.
“Intaas ka dib, waxa ay noqotay mid aad u adag, xilli ciyaareedkii hore ma fiicnayn
United wali waxay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoydeeda ka hor intaysan sii wadin kharashaadka suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana laga yaabaa inay weli dalabyo u fidiyaan Antony, kaasoo qandaraaskiisa Old Trafford ku eg yahay 2027 oo ay ku jiraan 12 bilood oo dheeri ah.
0 Comments