Leicester City ayaa xaqiijisay magacaabista halyeeyga Manchester United Ruud van Nistelrooy qandaraas dhacaya June 2027.
Van Nistelrooy ayaa dhawaan si ku meel gaar ah u maamulay Red Devils kadib ceyrintii Erik ten Hag, isagoo kooxda ku hogaamiyay seddex guul iyo barbaro afartii kulan ee uu hogaaminayay. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka tagay United ka dib markii ay caddaatay inuusan wax door ah ku yeelan doonin nidaamka Ruben Amorim ee Old Trafford.
Foxes ayaa dhawaan ceyrisay Steve Cooper ka dib markii ay si aan fiicneyn ku bilaabatay ololaha waxayna si deg deg ah saf ugu galiyeen 48 jirka reer Holland si uu u noqdo badalkooda ku haboon.
Magacaabistiisa ayaa hadda la xaqiijiyay, iyadoo Leicester ay shaaca ka qaaday in Van Nistelrooy uu daawan doono kulanka sabtida ee Premier League ee Brentford ka hor inta uusan si firfircoon u maamulin kooxda.
Ruud Van Nistelrooy oo noqday Tababaraha cusub ee Leicester City |
Waxa uu u sheegay website-ka Leicester: “Waan ku faanayaa, waan faraxsanahay, qof kasta oo aan kala hadlo kooxda kubadda cagta Leicester City waa mid xamaasad leh, waxa ay hayaan sheekooyin waa weyn oo ku saabsan tayada dadka ka shaqeeya kooxda,
Taageerayaasha iyo dabcan. , taariikhda dhow ee kooxda waa mid cajiib ah, waan ku faraxsanahay inaan bilaabo oo aan barto qof walba oo aan siiyo wax walba oo aan awoodo kooxda kubada cagta.
Leicester ayaa dib loogu soo dalacsiiyay horyaalka heerka kowaad iyada oo ku guulaysatay horyaalka heerka labaad ee Enzo Maresca kaas oo dhawaan ka tagay si uu ugu biiro Chelsea, laakiin laba kulan oo kaliya ayay badisay ilaa haatan xilli ciyaareedkan, iyada oo afar kulan oo xidhiidh ah aan wax guul ah gaadhin ugu dambayntiina soo afjartay bixitaankii Cooper.
Laba ka mid ah afartii kulan ee Van Nistelrooy ee ku meel gaadhka ah ee Man United waxa ay ka horyimaadeen Leicester, isaga oo guulo la taaban karo ka soo hooyay labada Carabao Cup iyo Premier League. United ayaa lagu wadaa inay booqato garoonka King Power Stadium bartamaha bisha Maarso.
Van Nistelrooy ayaa hore u soo qabtay shaqada macalinimo ee PSV Eindhoven, isagoo kooxda reer Holland ku hogaamiyay koobabka Johan Cruyff Shield iyo KNVB Cup.
0 Comments