Ads

Header Ads

Mohamed Salah ayaa ka fal celiyay kadib markii uu jabiyay rekoodhkii gool dhalinta Premier league ka dib goal kiisiiTottenham

Mohamed Salah ayaa qirtay inuu ku faanayo inuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee laba gool dhaliya iyo caawinta ka hor Christmas-ka.

Laacibka reer Masar ayaa dhaliyay labo gool, waxaana uu abuuray labo gool kale kulankii ay Liverpool 6-3 kaga badisay Tottenham Hotspur axadii, taasoo ka dhigeysa goolashiisa xilli ciyaareedka 15 gool iyo 11 caawin 16 kulan oo uu saftay.

Waa qaab ciyaareed aan horay looga diiwaan gelin horyaalka Ingiriiska, halka Salah uu qirtay in marnaba uusan gool ka dhalin inuu noqdo kan ugu horreeya, haddana waa rikoor kale oo uu ku faani karo, kama fikirin arrintan ciyaarta ka hor, laakiin waan ku faraxsanahay inaan sameeyay,” Salah ayaa yiri. Waa wax aan ku faano, si adag ayaan u shaqeyn doonaa.

Laacib Mohammed Salah

Guulaha la taaban karo ayaa ku sii socda Salah, kaas oo soo galay kaalinta 4-aad ee shaxda gool dhalinta abid ee Liverpool.

Isagoo dhaliyay 229 gool, Salah ayaa ka sare maray Billy Liddell oo dhaliyay 228 gool, waxaana hadda uu higsanayaa inuu u dhaqaaqo kaalinta seddexaad - booska uu hadda ku jiro Gordon Hodgson oo dhaliyay 241 gool.

Waa wax aad u fiican in aan sidaas ku gaarno koox sidaas u weyn laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan ku guulaysanay ciyaarta”ayuu Salah ku nuuxnuuxsaday. "Meel kasta oo aan ku soo gabagabeynayo xirfadeyda, waan ku faraxsanahay taas."

Post a Comment

0 Comments